Sign in to follow this  
Deeq A.

C/qaadir Kumaandoos oo howl-gal qorsheysan lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab iyo saaxibada Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah ku dilay Cabduqaadir Cusmaan Yarow oo loo yaqiinay Cabduqaadir Kumaandoos, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Howl-galkaan oo ka dhacay tuulada Cadaad Gari ee deegaanka Xabiibiyaal oo ah inta u dhaxeyso magaalooyinka Diinsoor iyo Baardheere.

Kumaandoos ayaa mar ahaa Madixii Jabhadaha Al-Shabaab, waxa uu sidoo kale u xuubsiibtay Qaybta Propaganda.

Hadda dilkiisa marka uu dhacayay waxa uu madaxa ka tirsanaey xoolo uu saami u helay oo ay Al-Shabaab ka qaateen dadka deegaanka, sida lagu sheegay qoraalka dowladda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this