Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo gaadiid dagaal kala wareegtay Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dowladda Turkiga kala wareegtay gaadiid dagaal oo loogu tala-galay inay ku howl-galaan ciidanka xoogga dalka Soomaliya.

Gaadiidkan oo gaaray illaa 12 baabuur ayaa waxaa loogu tala-galay inay isticmaalaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor gaar ahaan guutada saddexaad, sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda difaaca ee xukuumadda Ankara.

Qoraalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in gaadiidkaasi loo lagu wareejiyay  taliyaha ciidanka Xoogga dalka, General Odowaa Yuusuf Raage.

Baabuurtan ayaa ah kuwa loo adeegsado dhulka aad u adag, waxaana loo adeegsan doonaa howl-gallada Milatari ee ka dhanka ah maleeyshiyada Al-Shabaab.

Turkiga ayaa Soomaaliya kaa caawiya dhinacyo dhowr ah oo ay ugu horreyso dhismaa ciidamada, waxaana saldhig weyn uu ku lee yahay magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this