Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug oo warbixin ka dhegaystay Guddiyadda Joogtada ah ee Barlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa shir gudoomiyay kulankii kowaad ee Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka Galmudug.

Kulanka waxaa ku wada sugnaa dhammaan Gudoomiyaasha guddiyada Joogtada ah iyadoo arrimaha looga hadlay uu ka mid ahaa dardar gelinta hawlaha Baarlamaanka.

Xoghayaha guud ee Gaarlamaanka Galmudug Xasan Maxamuud Faarax (Janagale) ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid loogu gogol xaaraayey furitaanka kal-Fadhiga labaad Baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale kulanka inta uu socday waxaa warbixino looga dhegaystay Guddoomiyaasha Gudiyada iyagoona faah faahiyay waxyaabaha u qabsoomay Baarlamaanka Kalfadhigii la soo dhaafey ee Golaha.

Kalfadhiga labaad ee Golaha Wakiilada Galmudug ayaa furmaya sida la qorsheeyay 27 bishaan oo ku beegan Khamiista todobaadkan.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug oo warbixin ka dhegaystay Guddiyadda Joogtada ah ee Barlamaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this