Sign in to follow this  
Deeq A.

Kumaandooska DANAB oo shaaciyay in ay dileen horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Ciidanka Kumaandooska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay weerar qorshaysan ku dileen xubno sare oo ka tirsan Kooxda Al-shabaab.

Hawlagalka oo laga fuliyay Degaanka Daarusalaam oo hoosyimaada Degmada Awdheegle ee Gobolka Sahbeellada hoose ayaa lagu dilay laba sarkaal iyo xubno kale oo ka tirsanaa Al-shabaab sida laga soo xigtay Taliska DANAB.

Wakaaladda Wararka SONNA ayaa ku soo warrantay in Hawlgalka lagu dilay laba horjooge iyo todoba xubnood oo kale kuwaas oo ku shirsanaa Degaanka Daarusalaam ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo ka tirsan Kumaandooska DANAB ayaa Wakaaladdu ka soo xigatay in sidoo kale gacanta lagu dhigay hub iyo saanad ay Al-shabaab leeyihiin islamarkaana la burburiyay xarumoodii.

PUNTLAND POST

The post Kumaandooska DANAB oo shaaciyay in ay dileen horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this