Deeq A. Posted August 25, 2020 (SLT-Hargeysa)-Mudanayaasha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ansixiyey wax ka bedelka iyo kaabista xeerka Kufsiga iyo xadgudubyada la xidhiidha ee xeer Lambar 78/2020. Fadhiga oo uu shirgudoominayey guddoomiyaha golahaasi Mudane Baashe Maxamed Faarax, waxay xildhibaannada golahaasi cod gacantaag ah u qaadeen wax ka bedelka iyo kaabista xeerka kufsiga iyo xadgudubyada la xidhiidha ee xeer lambar 78/2020, iyada oo ay fadhigaas ka soo xaadireen shan iyo afartan mudane, waxaana ogolaaday sodon xildhibaan (30 xildhibaan), halka ay diideen sagaal mudane(9mudane), waxaana ka aamusay shan xildhibaan (5xildhibaan) guddoomiyuhuna muu codeyn xeerkaasina sidaas ayuu ku ansaxay. Geesta kale, guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax waxa uu xildhibaannada golahaas ku wargeliyey in maalinta sabtida ah ee todobaadka dambe golaha la horkeeni doono xeerka doorashooyinka qaranka. Source Share this post Link to post Share on other sites