Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Geeska Afrika Oo U Soo Gudubtay Horyaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda kubbadda cagta Geeska Africa oo ka mid ah naadiyada u soo gudbay horyaalka Somalia Premier League 2020-2021 ayaa maamulkeeda waxa ay sheegeyn in ay sameeyeen taariikh aad u wanaagsan,maadam mudo ka dib ay ku soo laabteen horyaalka dalka.

117471924_1798822156951415_4436253485671

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan u soo gudubno horyaalka Soomaaliya,shaqada iminka ayay kow tahay waxaan rajaynaaa in aan soo bandhigno ciyaaro wanaagsan oo soo jiita taageerayaasheena waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay macallinka kooxda kubbadda cagta Geeska Africa”

“mudo ka dib in aan ka dheelno horyaalka waxa ay aheyd shaqo adag aan soo qabanay waxaan u mahad celinaynaa ciyaartooyda iyo taageerayaasha kooxda kaalinta ay ka qaateen horomarka Geeska Afrika” ayuu Goobjoog Sports Abuukar Maxamed Cabdulle (Savana) oo ah guddoomiyaha kooxda.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this