Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Taiwan Oo Bilowday Inay Fiisayso Basaboorka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Taiwan)-Xafiiska ay dawladda Taiwan dhawaan ka furatay caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa qaaday tallaabo uu ku xoojinayo xidhiidhka Somaliland uguna quus goynaayo Dawladda Xamar.

Xafiiska Taiwan ee Hargeysa ayaa bilaabay inuu bulshada reer Somaliland ee u safreysa Taiwan u fiiseeyo Baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland .

Taiwan ayaa tiro dad ah oo u badan ganacsato u fiiseysay baasaboorka Somaliland, taasi oo kordhinaysa dalalka dal ku galka siiya Somaliland Sida : Itoobiya, Imaraadka Carabta, Turkiga ,Zambia, Jabuuti iyo Dalal kale oo ka mida Yurub iyo Afrika.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa hore uga biyo diiday xidhiddhka iskaashi ee Somaliland iyo Taiwan, kaasi oo horseeday in labada dhinac ay is weydaarsadaan wakiillo, iyaga oo xafiisyo diblumaasiyeed ka kala furtay Hargeysa iyo Taipel

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this