Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo ku dhawaaqday Hawlgal ka dhan ah Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay in ay dhowaan qaadi doonaan Hawlgal Ciidan oo Al-shabaab loog saari doono Dhulka ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xalay ka hadlayay Munaasabad ka qabsoontay Dhuusamareeb ayaa sheegay in Maamulkiisu qaadi doono hawlgal ka dhan ah Al-shabaab si looga xoreeyo Degaannada Galmudug.

“Galmudug waxay qaadi doontaa howlgal ay cadawga kaga xoreyneyso deegaanada ay heystaan” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

Sidoo kale Shacabka Galmudug ayuu ka codsaday in ay garab istaagan Ciidamada si loo xaqiijiyo Amniga islamarkaana looga guulaysto Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Galmudug oo ku dhawaaqday Hawlgal ka dhan ah Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this