Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninkii dilkiisu sababay isku dhicii Spain iyo Mexico

Recommended Posts

Deeq A.   

Ninkii dilkiisu sababay isku dhicii Spain iyo Mexico

José Gallostra
Dilkii Gallostra wuxuu shaaca ka qaaday fadeexad ka jirtay Mexico

José Gallostra y Coello, oo u dhashay dalka Portugal, wuxuu ahaa nin aad u qiimo badnaa marka le eego doorkiisii shaqo. Waxaa uu bixin jiray dal ku galka ay dadka reer Mexico ugu safri karaan Spain, xilli uusan markaas jirin xidhiidh ka dhaxeeyay labada waddan.

Noloshiisa dhinaca bulshada waxay ahayd mid uu dadka oo idil kusoo jiidan jiray, wuxuuna ka qeyb gali jiray shirar badan oo ay yeelanayeen ganacsato, saraakiil dowladeed iyo diblomaasiyiin.

Laakiin waxa uu islamarkaas aruurin jiray xog qarsoodi ah oo uu u diri jiray waddankiisa, taasina waxay siyaasiyiinta Mexico cadaadis ku saareysay inay dib u billaabaan xidhiidhada diblomaasiyadeed.

Dadka qaar waxay sheegaan inuu ahaa jaajuus u shaqeyn jiray dowladdii uu hoggaaminayay janaraalkii reer Spain ee lagu magacaabi jiray Francisco Franco.

Kuwo kalena waxay aaminsan yihiin inuu ahaa kaliya qof khibrad leh oo la wada jecel yahay.

Gallostra waxaa la dilay 20-kii bishii February ee sanadkii 1950-kii. Dilkiisa waxaa bartamaha caasimadda Mexico ku fuliyay nin fallaar adeegsaday oo lagu magacaabi jiray Gabriel Salvador Fleitas Rouco.

Sababta loo dilay ilaa hadda lama oga, laakiin fal dambiyeedkaas wuxuu sababay isku dac diblomaasiyadeed oo ka dhex qarxay labada waddan. Isla xilligaas waxaa billowday naceyb aad u weyn oo looga soo horjeeday dadka reer Spain ee dibadaha ku nool.

Arrintan waxay qeyb ka tahay taariikhda Mexico ee aan wali si dhammeystiran loo sheegin, sida laga soo xigtay khubaro.

Xilliyadaas arrimihii lasoo maray ee aan sharraxaadda badan laga heynin waxaa ka mid ah dagaalkii sokeeye ee Spain, doorkii ay Mexico ku lahayd Dagaalkii Labaad ee Adduunka, soo ifbixitaankii labo dowladood oo awood weyn ku lahaa caalamka iyo sannadihii ugu horreeyay ee Dagaalkii Qaboobaa.

Dagaalkii Labaad ee Adduunka

Saameyntii ka dhalatay Dagaalkii Labaad ee Adduunka waxay gaadhay guud ahaan nolosha dadka reer Mexico. Tusaale ahaan, Mexico waligeed ma aysan aqoonsanin dowladdii Franco, laakiin waxaa jiray qeybo ka mid ah waddanka oo taageersanaa janaraalka reer Spain.

José Gallostra
José Gallostra wuxuu ahaa wakiil aan rasmi ahayn oo Franco u fadhiyay dalka México.

Xitaa qaarkood, xilligii Dagaalkii Labaad ee Adduunka waxay la safnaayeen Jarmalka, Fransiiska iyo Talyaaniga, iyadoo xaqiiqda jirtayna ay ahayd in Mexico ay si rasmi ah dagaal ugula jirtay xoogaggii la dagaallamayay isbahaysigii kasoo horjeeday xulafada Mareykanka.

Intii muddadaas lagu guda jiray, waxaa jiray wakiillo ka socday maamulkii Naaxiga oo Mexico dhexdeeda ka sameynayay ol’ole buunbuunin ah oo looga soo horjeeday Mareykanka iyo isbahaysigiisa.

Laakiin waxaa kale oo Mexico ku yaallay xabsi weyn oo lagu xidhi jiray dadka taageersan Naaziga Jarmalka.

Francisco Franco
Francisco Franco wuxuu doonayay dib usoo celinta xidhiidhka México.

Dhanka kale, Mexico waxay martigalin jirtay dadka kasoo horjeeday janaraalka Franco iyo kuwa ay dacwadaha kusoo oogtay dowladdiisii Spain.

Arrintaas wuxuu Franco u adeegsan jiray eedeymaha uu u jeedin jiray maamulka Mexico.

Sidaas ayuu marba marka ka dambeysa usii xumaanayay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada waddan. Khubarada ku xeel dheer arrimahanna waxay aaminsan yihiin in dilkii Gallostra uu sababay sii xumaashada isku dhaca labada dowladood.

Laakiin muddo kaddib Francisco Franco wuxuu ol’ole u sameeyay dib usoo nooleynta xidhiidhka diblomaasi ee Spain iyo Mexico.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this