Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Mareykanka oo toogtay Nin Madow shalay+Mudaharaado rabsahdo wata oo qarxay

Recommended Posts

Deeq A.   

 Booliska Mareykanka oo toogtay Nin Madow shalay+Mudharaado rabsahdo wata oo qarxay

Mudaharaadeyaasha ayaa gawaadhi ku gubat Kenosha
Mudaharaadeyaasha ayaa gawaadhi ku gubay Kenosha

Dibadbaxyo ayaa ka billowday gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanka kaddib markii ay boolisku toogteen nin madow ah, kaasoo ay rasaas badan la dhaceen xilli ay sheegeen inay ka fal celinayeen dhacdo la xidhiidhta qoys.

Ninka la toogtay, oo magaciisa lagu sheegay Jacob Blake, ayaa isagoo ay xaaladdiisu aad u liidato ku jira isbitaalka.

Muuqaal lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa laga arkayaa Mr Blake oo dhabarka laga tooganayo isagoo isku dayaya inuu galo gaadhi. Arrintan ayaa ka dhacday magaalada Kenosha.

Mas’uuliyiinta Kenosha ayaa ku dhawaaqay bandow deg deg ah oo magaalada la saaray xilliga habeenkii ah, maadaama uu qalalaase xoog leh ka dhashay toogashadaas.

Boqollaal qof ayaa habeenimadii ay Axadda sii baxeysay isugu tagay saldhigga booliska. Gawaadhi badan ayaa dab la qabadsiiyay, mudaharaadeyaashana waxay ku dhawaaqayeen “Dib uma dabi doonno”.

Digniin ay booliska soo saareen ayaa loogu baaqay dadka ganacsiyada 24-ka saac heysta inay xidhaan, maadaama ay jirto cabsi xoog leh oo ku aaddan in bililiqo la sameeyo. Waxaa kale oo lasoo tabiyay in kooxo budhcad ah ay rasaas ku fureen meelaha qaarkood.

Ciidamada amniga ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday boqollaal ruux oo mudaharaadayay, si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha ku gacan seydhay amarka bandowga.

Mudaharaadyo rabshado wata ayaa daba socday dilkii George Floyd
Dhawaan waxaa Mareykanka ruxay mudaharaadyo rabshado watay oo daba socday dilkii George Floyd

Toogashadan ayaa timid xilli ay Mareykanka ka taagan tahay xiisad xasaasi ah oo ka dhalatay cadhada laga muujiyay tacaddiga loo geysto Mareykanka-madow, kaddib dilkii dhowr bilood ka hor loo geystay George Floyd.

Magaca Jacob Blake ayaa si weyn ugu wareegaya baraha bulshada, kumannaan qof ayaana saxiixay dalab lagu doonayo in la maxkamadeeyo askartii ku lug lahayd toogashadiisa.

Badhasaabka gobolka Wisconsin, Tony Evers, ayaa cambaareeyay toogashada loo geystay Mr Blake, oo lagu soo warramay in marka la dhaawacayay uusan hubeysneyn.

“Inkastoo aannaan heynin faahfaahin buuxda, waxa aan ilaa hadda hubno waa in ninkan uusan ahayn qofkii ugu horreeyay ee madow ah oo la toogto ama la dhaawaco ama si arxan darro ah loogu dilo gacanta shakhsiyaadka sharciga meel mariya ee ka howl gala deegaankeenna,” ayuu badhasaabku ku yidhi bayaan uu soo saaray.

Maxaa dhacay?

Taliska booliska magaalada Kenosha ayaa sheegay in “toogashada uu askariga fuliyay” ay dhacday waqti ka dambeeyay 17:00 ee maalintii Axadda. Waxay intaas ku dareen in askariga uu gargaar deg deg ah u sameeyay Mr Blake, durbana loo qaaday isbitaalka deegaanka Milwaukee.

Waxay saraakiishu sheegeen in booliska ay markaas ka falcelinayeen “dhacdo la xidhiidhta qoys” balse wax faahfaahin ah kama aysan bixinin waxa sababay toogashada.

Map
1px transparent line

Waaxda caddaaladda ee gobolka Wisconsin ayaa hadda baadhitaan ku wadda dhacdada. Waxay mas’uuliyiinteeda sheegeen in askartii falkaas ku lug yeelatay loo diray fasax ku yimid amar dhinaca maamulka ah.

Muuqalaka lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa laga daawaday saddex askari oo hubkooda ku jeedinaya nin lagu sheegay inuu ahaa Mr Blake xilli uu isaguna markaas kusii socday gaadhi noociisu yahay SUV oo meel u dhow yaallay.

Markii uu albaabkii gaadhiga iska furay uu uu gudaha sii galayay, ayuu askari shaatiga kasoo jiiday rasaasna ku furay. Dhawaaqa ilaa toddoba xabbadood ayaa laga maqlayaa muuqaalka, iyadoo markaasna dad goob joogeyaal ah ay qeylinayeen.

Askartii dhacdadan ku lug lahayd wali magacyadooda lama shaacinin.

Qareen caan ah oo u dooda xuquuqda aadanaha, oo lagu magacaabo Ben Crump, ayaa telefishinka CNN u sheegay in qoyska Mr Blake ay lasoo xidhiidheen kana dalbadeen caawinaad.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this