Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoorqoor oo tababar u xiray ciidamo

Recommended Posts

Deeq A.   
qoorqoor.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada darawiishta Galmudug.

Ciidamada tababarka loo soo xiray oo muddo dhawr bilood ah la carbinayay, ayaa noqonaya dufcaddii 1-aad ee ka baxda dugsiga tababarka ciidamada ee magaalada Dhuusamareeb.

gl.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Madaxweyne Qoorqoor ayaa khudbad uu u jeediyay ciidamada ku faray inay si wanaagsan ugu shaqeeyaan degaankooda iyo dadkooda kana difaacaan cadowga.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku ammaanay Wasaaradda Amniga Gudaha iyo saraakiisha tababarka bixinaysay sida wanaagsan ee ciidamada ay u diyaariyeen.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa markii uu hoggaanka u qabtay Galmudug bilaaabay tayeynta iyo qaabeynta ciidamada kala duwan ee maamulkaas.

PUNTLAND POST

The post Qoorqoor oo tababar u xiray ciidamo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this