Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo howl-gallo ballaaran ka billowday magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka maamulka Galmudug  ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ballaaran ka bilaabay koonfurta magaalada Gaalacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Howl-gallada oo aha kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka wadaan waddooyinka magaaladaasi, iyaga oo baaraya dadka iyo gaadiidkaba.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada Booliiska ee horkacaya howl-gallad ayaa sheegay in u jeedka uu yahay, sidii loo xaqiijin lahaa lahaa amniga koonfurta Gaalkacyo.

Amniga Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid faraha ka sii baxayaye, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah amniga iyo iskahor imaadyo intaba.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this