Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay degmada Wanlaweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax nooca miinada dhulka lagu aaso oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Wanla weyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhintay, halka uu ku dhaawacmay qof kale, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay suuq Qudaarta lagu iibiyo oo ku yaalla gudaha degmadaasi.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gallo kooban ka sameeyey halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, mana jiro welei wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wanlaweyn iyo kan gobolka Sh/ Hoose oo ku aadan qaraxaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this