Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka G/ Banaadir oo soo saaray go’aano culus oo ku socdo dugsiyada waxbarashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saarayo go’aano adag oo ku socdo dugsiyada Waxbarashada ee ku yaalo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa lagu amray dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare ee ku yaalo Muqdisho inay iska diiwaan geliyaan xafiiska agaasinta waxbarashada ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Dugsiyada ayaa lagu amray inay isticmaalaan hab maamulka xogta iyo tirakoobka “EMIS” oo lagu keydiyo Xogta Ardayda, Macalimiinta iyo Shaqaalaha Dugsiyada.

Dugsiyada ayaa sidoo kale lagu amray inay si wadajir ah u fuliyaan una isticmaalaan manjadka 1-aad illaa 12-aad ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Soomaaliya iyadoo la fulinayo go’aanada kasoo baxay Wasaaradda.

Qodobka 7-aad ee qoraalka kasoo baxay Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in arday kasta oo doonayo inuu dugsi ka badasho ay lagama maarmaan tahay inuu codsi usoo gudbisto xafiiska Agaasinta waxbarashada ee Gobolka Banaadir.

Hoos ka akhriso amarka ku socda Dugsiyada Gobolka Banaadir

118416437_184065599820621_77061595182573

 

118524858_184065606487287_87814117466228

The post Maamulka G/ Banaadir oo soo saaray go'aano culus oo ku socdo dugsiyada waxbarashada first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this