Sign in to follow this  
Deeq A.

Wuxuu doonayey Saddex Masaajid inuu weeraro

Recommended Posts

Deeq A.   

Wuxuu doonayey Saddex Masaajid inuu weeraro

Ehelada iyo dadki weerarkaasi ka badbaaday oo maxkamadda sii galaya
Ehelada iyo dadki weerarkaasi ka badbaaday oo maxkamadda sii galaya

Cunsuriga caddaanka ahaa ee u dhashay dalka Australia oo 51 qof muslimiin ah ku dilay laba masaajid oo ku yaalla New Zealand wuxuu damacsanaa inuu masaajid seddexaadna uu weeraro, maxkamadda ayaana maanta billowday dhageysiga xukunka ninkaasi lagu ridayo oo soconaya afar maalmood oo xiriir ah.

Brenton Tarrant wuxuu sida oo kale qorshihiisu ahaa inuu masaajidda kale uu weeraro, “dil intaa ka badanna uu geysto”.

Tarrant ayaa lagu soo dacweeyey inuu dilay 51 qof, iskuday dil uu damacsanaa inuu 40 qof oo kale u geysto iyo dacwad fal argagixisanimo.

Waa marki ugu horreysay oo qorshaha uu ninkaasi damacsanaa maxkamadda lagu soo bandhigo.

Tarrant oo 29 jir ah ayaa wajahi doono xukun xabsi daa’im ah, xukunkaasi oo noqonaya mid aan New Zealand horay uga dhicin.

Dhageysiga xukunka maxkamadda ayaa maanta oo Isniin ah ka billaabmay maxkamad ku taallo Christcurch oo ah magaalada uu weerarka ka dhacay March 2019.

Xayiraadaha ka dhashay Covid-19 awgii maxkamadda ayaa noqon doonto mid ay dad badan joogin.

 

Seddexda maalmood ee soo socota uu dhageysiga xukunkaasi socon doono waxaa toddoba maxkamadood oo ku yaalla Christchurch ku soo xaadiri doona ehelada dadkooda weerarkaasi looga dilay iyada oo ay maxkamadaha dhageysan doonaan markhaatifurka dadkaasi.

Ehelada dadki weerarkaasi waxyeellada ka soo gaartay oo maxkamadda sare ee Christchurch soo gaaray
Ehelada iyo dadki weerarkaasi waxyeellada ay ka soo gaartay oo soo gaaray maxkamadda dhageysiga xukunka ay ka socoto

Garsoore Barnaby Hawes maanta oo Isniin ah wuxuu sheegay Tarrant weerarkaasi sanad ka hor inuu qorsheynayey, wuxuuna intaa ku daray ujeeddadiisu iney ahayd “tirada dad ee ugu badan halkaasi inuu ku dilo”.

Wuxuuna in mudda ah uruurinayey xogta masaajidda ku yaalla New Zealand, halka ay ku yaalliin, iyo xogaha masaajidda la xiriira si weerarkiisa uu ula beegsado xilli ay masaajidda mashquul yihiin.

Bil ka hor inta uusan ninkaasi weerarka qaadin, wuxuu safar ku tagay Christchurch isaga msaajidka Al Noor oo bartilmaameed u ahaa drone sawirro iyo muuqaallo kaga qaaday.

Waxaa sida kale u qorsheysnaa inuu bartilmaameedsado Masaajidka Ashburton si la mi ah masaajidka Al Nuur iyo Machada Islaamiga ee Linwood uu weerarka u geystay.

Tarrant wuxuu booliska u sheegay qorshahiisa inuu ahaa masaajidka marka uu weeraro kaddib inuu dab qabadsiiyo oo gabi ahaanba dhulka la simo.

 

Maalinta uu Tarrant uu weerarka geysanayey, wuxuu sida oo kale dilal uu u geystay dadka waddooyinka marayey ee ka soo baxsaday masaajidka Al Nuur.

Waxaana dadka uu dibadda masaajidka uu ku dilay ka mid ahaa Ansi Alibava oo masaajidka ka soo baxday.

Ninka dilka geystay xilli uu ku sii socday machadka islaamiga ee Linwood, wuxuu joojiyey isla-markaana uu toogtay nin madow Afrikaan ah oo ay u suuragelin inuu dilkaasi ka badbaado.

Nin reer Caucasian ah ayaa ka soo horbaxay waddada uu ku socday Tarrant, qoriga ayuu kor u qaaday kaddibna hoos ayuu u dhigay. Wuuna salaamay isaga oo gacantiisa midig u taagay una dhoollacaddeeyey kaddibna socodkiisa ayuu iska sii watay”.

Tarrant ayaa horay u diiday dacwadda lagu soo oogay xilli bishii June maxkamada la soo taagay, inkasta oo uu marki dambe uu dambigiisa qirtay.

Ninkan ayaa muteysan doono ugu yaraan 17 sana oo xarig ah, balse garsoore Cameron Mander oo ah garsooraha maxkamadda sare oo kiiskan gacanta ku haya wuxuu awood u leeyahay inuu ku xukumo xabsi daa’im, xukunkaasi oo noqonaya kii ugu horreeyey oo New Zealand ka dhaca.

Dad ka badan 60 qof ayaana dhageysiga xukunka ninkaasi goobjoog u noqonaya iyada oo ay dadka qaar meela fogfog ka yimaaddeen. Halka qaarkoodna ay waddama kale ka yimaaddeen oo ay soo galeen 14 maalmood oo karantiil la xiriira faayrsaka corona.

Dr Hammimah Tuyan, waxaa weerarkaasi looga dilay seygeeda Zekeriya Tuyan isaga oo 7 sbuuc kaddub u geeriyooday dhaawac weerarkaasi ka soo gaaray.

Weerarkaasi marka uu dhacay kaddib inta ay bilba ka soo wareegin baarlamaanka dalkaasi ayaa 119 iyo 1 cod ugu codeeyey in dib u habeyn lagu sameeyo haysahsada hubka darandoorriga u dhaca ee la midka ah kuwa ay ciidamadu qaataan, isa-markaana hubkaasi la mamnuuco.

 

Dowladdana waxay go’aansatay dadka haysta hubka sharci darrada ah iney gacanta dowladda ku soo celiyaan dowladduna ay magdhow ka siiso hubka ay dowladda ku wareejinayaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this