Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasiyiinta Reer Awdal Oo Dagaal Culusi Ku Dhex Marayo Xisbiga KULMIYE

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Awdal iyo xubno kamid ah Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa si weyn ugu xafiiltamaya, isla markaana tartan adag oo hoose ugu jira kale riixashada booska Guddoomiye ku-xigeenka afraad ee Xisbiga KULMIYE, kuwaas oo sii kale riixanaya jagadaas ka hor inta aan la gaadhi Shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE oo la filayo inuu dhawaan ka qabsooma Magaalada Hargeysa

Kursiga Guddoomiye ku-xigeenka afraad ee Xisbiga KULMIYE ayaa inta badan ah mid u gaar ah beesha Gobolka Awdal, isla markaana aanay jirin cid kale oo beelaha kale ka soo jeedaa oo kula tartantaa marka ay timaado doorashada hoggaanka Xisbiga KULMIYE, kaasi oo uu hadda hayo Madaxweyne ku-xigaanka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, balse hadda isagu u muuqda mid saluugsan oo ka hanqal taagaya jagadaas uu muddada hayey

Siyaasiyiinta Xisbiga KULMIYE ka tirsan iyo wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Biixi ee ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa si gaar gaar ah tartan adag ugu jira, isla markaana ku xafiiltamaya jagada Guddoomiye ku-xigeenka afraad ee Xisbiga KULMIYE,iyadoo uu mid waliba dhex-da u xidhay sidii uu u sii banaysan lahaa jagadaas ka hor inta aan la gaadhi shir weynaha afraad Xisbiga ee lagu soo dooran doono hoggaanka shanta sanno ee soo socota majaraha u hayn doona KULMIYE

Geesta kalena Xubnaha Golaha Wasiiradda Somaliland ka tirsan ee jagadaas quuldaranaya isla markaan ruclada oradka ugu jira waxa kamid ah Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) Wasiirka Beeraha  Axmed Muumin Seed, Guddoomiye ku-xigeenka Saddexaad ee golaha Wakiilada Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle  iyo xubno kale oo mihiim ah

Madaxweyne ku-xigaan Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo isagu hadda haya xilkaas Guddoomiye ku-xigeenka afraad ee KULMIYE,ayaa la sheegay inuu siyaasiyiinta uu qaar la safan yahay, isla markaana uu u dagaalamayo sidii uu siyaasi ka soo jeeda jufadiisa uu kursigaasi Guddoomiye ku-xigaanka afraad ee Xisbiga u hanan lahaa, waxaana la wariyey inuu ka garbinayo siyaasiyiin kale ee beelaha Awdal Clan ka soo jeeda.

Si Kastaba ha-ahaataa Siyaasiyiinta Xisbiga KULMIYE ka tirsan ee Beelaha Gobolka Awdal ayaa iyagu dhexdooda si weyn ugu loolamaya,isla markaana xod-xodasho iyo rucla orad ugu jira jagada Guddoomiye ku-xigeenka afraad ee Xisbiga KULMIYE, waxaanu uu mid waliba si hoose u wadaa olole uu ku doonayo in jagadaas loogu doorto marka la gaadho Shirweynaha afraad ee muddaysan ee Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this