Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Qubrus Oo Baasabooro Ka Iibisay Qoyska Bin Laden

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qubrus)-Dowladda Qubrus oo muddo dheer lagu dhalleeceynayay inay ka iibiso Baasaboorka loogu yeedho Dahabiga muwaadiniinta ku sugan dalalka ka baxsan EU, kuwaasoo lagu iibiyay illaa 20 Milyan oo Karoon.

Qubrus oo ka mid ah dalalka Midowga Yurub ayaa Baasaboorkeeda wuxuu xuquuq siinayaa inay si xor ah ugu safraan wadamada Midowga Yurub oo dhan.

Macluumaad cusub ayaa hadda soo baxaya oo ku saabsan cidda dhab ahaantii iibsatay soo gelitaanka Yurub.

Ugu yaraan 2,500 baasaaboor dahab ah oo la bixiyay intii u dhaxeysay 2017 iyo 2019, kuwaasoo qaar badan oo ka mid ah ku tagay, waxaa la sheegay inay ku jiri karaan dad halis gelin kara amniga.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in xubin ka mid ah qoyska Bin Laden oo iibsaday baasaboor.

Kumanaan muwaadiniin Ruushka u dhashay ayaa ku jira, kuwaasoo qaarkood xidhiidh adag la leh Aqalka Kremlin, sida laga soo xigtay Telefishinka Al Jazeera.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Cyprus Nicos Nouris ayaa iska difaacay eedeymahan, isagoo sheegay in wax walba lagu qabtay si waafaqsan shuruucda, isla markaana uu dalkiisa haatan adkeeyay iibka baasaboorka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this