Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Tahliil “ Sharaf Ayay Inoo Tahay In Aan Soo Laabano Horyaalka Soomaaliya ”

Recommended Posts

Deeq A.   

Tababaraha kooxda Jeenyo Axmed Tahliil Cali ayaa sheegay in aad ugu faraxsanahay ku soo laabashada horyaalka Somalia Premier League xili ciyaareedka soo aadan 2020-2021,wuxuuna intaa ku daray in uu haysto xidigo da’dayar ah kuwaas oo kaalin ka qaadan kara horomarka kooxda Jeenyo.

Sequence-33.00_00_00_22.Still002-1024x76

December 2018 ayay aheyd markii tababare Axmed Tahliil Cali loo magacaabay macallinka kowaad ee naadiga Jeenyo waxaana sheegay in howshan ay kaalin wanaagsan ka qaateen maamulka,macallimiinta,ciyaartooyda iyo taageerayaasha kooxda Jeenyo.

 48987084_1991011864319319_90645412900954

“ Waan u mahad celinayaa saaxiibada soo dhaweeyay guushan shaqada iminka ayay kow tahay waxaan rajaynaa in aan bandhig sare samayno fasal ciyaareedka soo aadan,si qaas ayaa u mahad celinayaa taageerayaasha naadiga Jeenyo” ayuu Goobjoog Sports u sheegay macallinka Jeenyo.

Sequence-33.00_00_11_17.Still003-1024x76

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this