Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo dib u soo celisay darbiga ay ka dhiseyso xadka Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay dib u billowday dhismaha darbiga ay ka dhiseyso xadka ay gobolkaas kala wadaagto dalka Kenya.

Ciidamo dheeraad ah ayaa lagu soo warramayaa in dowladda Kenya ay dhigtay xadka, kuwaas oo la sheegay inay ilaalin doonaan shaqaalaha dhisaya darbigaas.

Sidoo kale Korneyl Aadan Rufle oo ka mid ah saraakiishii hore ee ciidamada Xoogga dalka ayaa Shabelle u sheegay inay Kenya soo celisay darbigii ay ka dhiseysay xadka.

Korneyl Rufle ayaa ku baaqay in loo baahan yahay in laga hortago gar-darro uu sheegay inay wado dowladda Kenya.

Dhismaha darbiga dheer ee ay Kenya ku xireyso xadka oo ay horey dood uga timid yaa waxaa 2018-kii ka wada-hadlay Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhigiisa Kenya, lamana oga waxaa hadda soo celisay darbigaas oo laga dhisayo dhanka degmada Ceelwaaq.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this