Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo la kulmay ururada bulshada rayidka Puntland+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan la qaatay Ururada Bulshada, Madaxda Ururada Siyaasadda, Aqoonyahanada iyo Waxgaradka Puntland.

Siciid Deni ayaa Bulshada uga warbixiyey xaaladda guud ee Puntland, shaqooyinka dowliga ah ee laqabtay sida tayeynta Ciidamada, horumarinta hanaanka maaliyadda iyo hirgelinta Nidaamka Xisbiyada badan oo meel wanaagsan maraya .

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la wadaagay aqoonyahanada, siyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada, Shirkii Dowladdu ka qeybgashay ee Dhuusamareeb kaasi oo looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya iyo sida Puntland u wajahday. Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale bulshada usoo gudbiyey shaqadii wanaagsaneyd ee laga soo qabtay Gobolka Mudug iyo safarkii uu ku tegay dalka Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa dhegaystay fekradaha iyo talo soojeedinta xubnaha kulanka ka qeybgalay, dhammaantoodna waxay ka mahadceliyeen kulanka, iyagoo muujiyay sida ay Dowladda ugu garabtaaganyihiin marwalba arrimaha gudaha ee Puntland iyo doorka Puntland ee arrimaha Soomaaliya.

Madaxda Ururada Siyaasada Puntland oo kulanka ka hadlay, waxay Madaxweynaha uga mahadceliyeen ka dhabeynta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, oo caawa ay afkaartooda iyo talooyinkooda kusoo gudbinayaan iyaga oo metelaya Ururada Siyaasadeed ee Puntland .

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u mahadceliyay dhammaan xubnaha kulanka kasoo qeybgalay, si gaar ah wuxuu Madaxweynuhu bogaadiyey doorka Ururada Bulshada Rayidka ah ku leeyihiin Dowladdnimada, iyo sida ay marwalbo uga qeyb qaataan marxalad kasta oo markaasi la marayo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

118244996_986259725120881_5839706140440545836_o 118149895_986259398454247_8449882248055781320_o 118152307_986259595120894_3661686211020618949_o 118187641_986259795120874_1848785696359128366_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this