Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo shaacisay in Covid-19 uu saameeyey dhaqaalaha dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Sii hayaha xilka Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Inj; Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa sheegay in daraasado ay ka sameeyeen dhibaatada uu cudurka Covid-19 ku yeeshay  ganacsiga ay muujineyso inay jirto saameyn baahsan oo uu ku yeeshay ganacsiga Dalka balse dedaallo badan oo si wada-jir ah ay u sameeyeen xukuumadda iyo ganacsataduba ay wakhtigan yaraatay waxyeelladiisa.

Wasiirka oo ka hadlayay kulan lagu falan-qeynayay saameynta covid-19 uu ku yeeshay guud ahaan dhaqaalaha wadanka gaar ahaan ganacsiga Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdosho ayaa intaa ku daray in wakhtiyadii uu cudurkani xoogganaa ay Dowladdu canshuur-dhaaf u samaysay ganacsatada wax-u-soo-dhoofisa Dalka si loo yareeyo sicir-bararka ku yimi maciishadda iyo heerkii nololeed ee Bulshada.

Inj; Cabdullaahi Cali Xasan,ayaa sheegay in xukuumaddu ay mar walba ku dedaalayso siddii ay u xakameyn lahayd saameynta cudurka,wuxuuna intaa ku daray in la joogo wakhtigii Dowlad iyo shacabba fursado loogu beddeli lahaa saameyntii ka dhalatay Corona Virus loona xoojin lahaa wax-soo-saarka Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dedaallo ku bixiyeen horumarinta ganacsiga iyo Warshadaha, wuxuuna ku dheeraaday dedaalladooda ku aaddan dhiiri-gelinta maal-gashiga, isagoo xusay inay sameeyeen shuruuc iyo siyaasado tiro badan oo muhiim u ah ganacsiga Waddanka, taas oo sababtay in ay Soomaaliya Maanta ka mid noqoneyso Ururrada caalamiga ah ee ganacsiyada Adduunka.

Halkan hoose ka daawo sawirro:-

Wasiirka-ganacsiga-1-2.jpg Wasiirka-ganacsiga-2.jpg Wasiirka-ganacsiga-3.jpg wasiirka-ganacsiga-4.jpg wasiirka-ganacsiga-5.jpg wasiirka-ganacsiga-6.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this