Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ku wajahan magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ku wajahan magaalada Garoowe, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu soo warramayaa in Garoowe uu kulamo kula yeelan doono Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni, waxaana la sheegay inay ka wada-hadli doonaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashada 2020 /2021-ka.

Sidoo kale waxaa haatan qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhoweynta wafdiga Axmed Madoobe laga dareemayaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo in dhowaanahan ku maqnaa dalka Kenya ayaa shalay dib ugu laabtay Kismaayo, isaga oo horey uga horyimid heshiiskii Dhuusamareeb.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this