Deeq A. Posted August 24, 2020 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa Maanta oo Isniin ah ku soo wajahan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, oo xaqiijiyay Socdaalka Madaxweynaha Jubaland, ayaa sheegay in uu Garoowe u imaanayo Wada-tashi ay Puntland iyo Jubaland ka yeelan doonaan Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada soo socota. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, ayaa sida la sheegayo kulan gaar ah ka yeelan doona sida loo wajahayo Xaaladda Siyaasadeed ee taagan Marxaladdan kala guurka ah ee Waddanku marayo. Sidoo kale, Deni iyo Axmed Madoobe ayaa kulamo Wada-tashiya la qaadan doona Siyaasiyiinta kala duwan ee ku sugan Garoowe, oo ay kamid yihiin Madaxweynayaashii hore ee Puntland iyo Senetaro heer Federaal ah. Puntland iyo Jubaland, ayaa ka maqnaa Shirkii u dambeeyay ee Dhuusamareeb-3 waxaana ay soo saareen War-murtiyeed wadajir ah, oo ay ku sheegeen in aysan qayb ka ahayn Heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites