Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney ay Walaalo yihiin M/weyne Trump oo ku tilmaantey walaalkeed inuu yahay Beenaale bilaa Mabda’ 

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweeney ay Walaalo yihiin M/weyne Trump oo ku tilmaantey walaalkeed inuu yahay Beenaale bilaa Mabda’

trump-6.jpg
Donald iyo walaashii Maryanne Trump

Haweeney la dhalatay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, marna ahayd xaakiim heer federaal ah, ayaa sheegtay in walaalkeed uu yahay beenaale aan “wax mabda’ ah” lahayn, sida lagu ogaaday cod sir ah oo laga duubay.

Hadalkaasi adag ee ay sheegtay Maryanne Trump Barry oo da’ ahaan ka weyn Madaxweynaha, ayaa waxaa si qarsoodi ah uga duubtay gabar ay eedo u tahay oo lagu magacaabo Mary Trump, taasoo bishii hore daabacday buug ay si weyn ugu dhaliishay Mr Trump.

Mary Trump ayaa sheegtay inay codka u duubtay si ay isaga difaacdo dacwad maxkamadeed oo uga timaado eedadeed.

Madaxweyne Trump oo ka jawaabay arintaasi ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Cad waxa uu ku yiri “maalinba wax horleh ayay sheegaan, yaa se u joojinaya.”

Codkaasi sirta ah ayaa waxa markii u horreysay ka hadashay jariirada Washington Post, waxaana markii dambe helay wakaaladda wararka ee Associated Press.

“Waxaa loo galay imtixaankiisa”

Maryanne Trump ayaa ku dhaliishay maamulka Trump siyaasaddiisa ku aaddan soogalootiga, taasoo horseeday in carruur da’ yar lagu xiro goobo dadka lagu hayo oo ku yaal xuduudda Maraykanka iyo Mexico.

“Waxa uu doonayo oo keliya ayaa ah inuu raali-geliyo dadka taageersan,” ayay tiri.

Mary Trump ayaa buuggeeda “Sida uu qoyskeyga uga dhashay ninka ugu khatarta badan caalamka” ku sheegtay in adeerkeed uu saaxiibkii lacag ku siiyay si uu ugu galo imtixaanka SAT loo yaqaano ee ay qaataan ardayda ku biiraya jaamacadaha Maraykanka.

Maryanne ayaa codka laga duubay uga hadashay arinkaasi, waxa ayna tilmaamtay inay xitaa garaneyso magaca saaxiibkaasi u fariistay imtixaanka.

“Waxa uu ku helay jaamacadda Pennsylvania kadib markii uu qof kale u qaatay imtixaanka,” ayay tiri haweeneydaasi la dhalatay Trump.

Maryanne ayaa taageero u ahayd walaalkeed Donald Trump, waxaana ay horay u sheegtay inay leeyihiin xiriir dhaw. Waxa ay mar ka warrantay sida uu Donald Trump maalin kasta cisbitaalka ugu soo booqan jiray xilli ay qalliin gashay.

Waa tuma Mary Trump?

Mary Trump, oo hadda 55 jir ah, waa gabadha uu dhalay Fred Trump Jr, oo ah madaxweynaha walaalkiis ka weyn.

Fred Trump Jr, wuxuu geeriyooday sanadkii 1981-kii, xilligaas oo ay da’diisa ahayd 42 sano.

Inta badan waqtigii noloshiisa wuxuu dhibaato badan kala kulmay isticmaalka maandooriyaha, dhimashadiisa xilliga hore timidna waxaa sababay wadne xanuun lala xiriiriyay maandooriyihii uu isticmaali jiray.

Madaxweyne Trump wuxuu geerida walaalkiis u soo qaataa dagaalka ka dhanka ah maandooriyaha lala qabsado.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this