Deeq A. Posted August 23, 2020 Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada Ku meel gaarka ah ee Jubbaland. Madaxweyne Madoobe ayaa maalmahii lasoo dhaafay Safar Caafimaad ku joogay Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya,isagoo aan ka qeyb galin shirkii Dhuusamareeb 3 ee u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Fedraaka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah kuwa Maamul Goboleedyada. Labada Madaxweyne ku xigeen Iyo xubno katirsan labada gole ee Dowlada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Magaalada Kismaayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites