Sign in to follow this  
Deeq A.

La soco aduunka , Pakistan iyo sucuudiga oo kala faataxaystay ”.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wiigii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii Pakistan kaga cabatay ururka midnimadda islaamka in sucuudigu af-duubay arrinta gobolka kashmira aanu ka qaadan doorkii kaga aadanaa arrintaas oo sucuudigu kaga jawaabay in uu ka noqday heshiiskii daynta lacageed iyo saliideed ee uu kula jirey pakistan , kana dalbaday pakistan in ay soo celiso hal bilyan oo dayna oo ay ku lahayd taasoo pakistaana kaga jawaabtay in ay halkii bilyan farta ka saarto .
Dhinaca kale , Pakistan ayaa wiigan u dirtay wadanka sucuudigga Taliyaha Guud e e ciidamadda Pakistan , Qamar Javed Balwa , kaasoo miisaan wayn ku leh wadanka pakistan hassa yeeshee dhaxal sugaha wadanka sucuudiga Amiir maxamed binu salmaan wuu diiday in uu la kulmo janaraalkaa pakistan , sidoo kale waxay dawladdu sucuudigu sheegtay in ay joojisay maalgelin ay ku samayn lahayd dhismaha dekedda Gwadar port oo ah deked Istaraaji ah oo ku taala gacanka Cumaan .
Hadaba maalintii shalay ahayd pakistan iyadoo ka jawaabaysa talaabooyinkaa is daba jooga ah ee ka yimi Sucuudigga wasiirka arrimaha debedda ee Pakistan Shah Mohomed Qurayshi ayaa booqasho rasmi ah ku tagay wadanka Shiinaha , waxaanay kulan ku yeesheen dhigiisa jasiiradda loo dalxiis taggo ee Haynaan .
Kulankaa dhex maray labada dhinac ayaa laggu sheegay in lagaga wada hadlay arrimo muhiima oo ay ka mid yihiin 60 Bilyan oo shiinuhu geliyo dekedaha pakistan iyo halbiyan oo dayna oo ah lacag cadaana iyo arrimo badan oo kale oo kale oo labda wadan quseeya .
Geesta kale , wadamda Turkeyga ,Iran ,Maleeshiya iyo Pakistan ayaa laggu wadaa in ay dhawaan ku dhawaaqaan heshiis iskaashi oo ah dhinacyadda amniga , milateriga iyo dhaqaalaha , is xulifaysigaas oo saamayn wayn ku yeelan doona mandaqadda bariga dhexe iyo dunidda islaamka guud ahaan , la soco aduunka

Ahmed NUUR.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this