Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Khadar oo la kulmay Guddiga gaadiileyda xamuulka

Recommended Posts

Deeq A.   

Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Dalka, mudane, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa Maanta kulan la qaatay qaar kamid ah guddiga gaadiidka xamuulka ee Dekadda Muqdisho.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen sii hayaha xilka wasiirka Gaadiidka, taliyaha Booliiska iyo taliyaha nabad gelyada waddooyinka, ayaa looga hadlay tayeynta Gaadiidka xamuulka ka qaada Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Go’aannada lagu gaaray kulanka waxaa ugu muhiimsan in la sameeyo goobo gaadiidka lagu sii hayo inta ay dekadda ka gelayaan si looga baaqsado cariiriga badan ee ay ku hayaan wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Guddi loo saaray inay ka tala bixiyaan dhameystirka shaqada ayaa la faray inay mudda laba maalin gudahood soo dhammeystiraan hannaanka lagu wajahayo dhaqan gelinta dhamaan qodobadii la iskula gartay kulanka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Guul1.jpg Guul2.jpg Guul3.jpg Guul4.jpg Guul5.jpg Guul6-1.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this