Sign in to follow this  
Deeq A.

Lafta Gareen oo amray in baaris lagu samaeeyo weerarada KG ka dhaca

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo ka hadlayey xaaladaha ammaan ayaa soo hadal qaaday weerarada ay Al-Shabaab ka fuliyaan deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan kuwii ugu dambeeyey.

Lafta Gareen ayaa ku amray saraakiisha ammaanka inay baaris deg-deg ah ku sameeyaan waxa soo cel-celiyey weerarada ka dhacay gobollada Sh/Hoose, Baay iyo Baool.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in la xoojiyo howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga saaro deegaanada ay joogaan oo ay weerarada ka soo qaadaan.

“Howlgaladii cuslaa ee sugidda amniga ee waayahaan ka socday Daynuunay iyo Goof-Guduud iyo dhibaatada Degenaashiyaha Ciidanka SNA oo arrin culus noqotay mid culus waxaa loo baahan yahya in xal waara laga gaaro, waxaana rabnaa in ay dulqaad badan sameeyaan oo dalkooda iyo dadkoodu xorreeyaan.” ayuu yiri Madaxweyne Lafta Gareen.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maalmihii u dambeeyey dagaallo u dhexeeyey ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab ay ka dhaceen gobolka Baay ee K/ Soomaaliya

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this