Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab khasaare xoogan geystay oo ka kacay deegaanka Bacaadweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dab khasaare nafeed iyo mid hantiyeed geystay oo xalay ka kacay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Dabka ayaa ka kacay kaalin shidaal oo ku taalla deegaankaasi, wuxuuna bilowday shalay gelinkii dambe, isagoona soo gaaray illaa xalay, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Inta la xaqiijiyey illaa 15 ruux ayaa ku dhaawacantay dabkaasi, kuwaas oo dhaawacyadooda la geeyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sidoo kale dabka ayaa ku sii fiday xarumo kale oo ka agdhowaa kaalinta shidaalka ee uu dabku ka kacay, inkastoo markii dambe lagu guuleystay in la damiyey.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this