Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay degmada Cabdicasiis

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu si gaar ah uga dhacay agagaarka garoonka Kubadda Cagta ee Eng. Yariisow, iyadoona la soo wariyey in lala eegtay gaari uu saarnaa guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid, Mudane Muuse Geesey Jimcaale.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in guddoomiyaha uu ka bad-baaday qaraxaas, balse uu ku dhintay hal qof oo shacab ah, saddexkalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban.

Illaa iyo hadda ma jiro wx faah faahin ah oo saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya ay ka bixiyeen qaraxaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan dari oo isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegteen Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this