Sign in to follow this  
Deeq A.

Dilkii wasiir Karaani oo shaki kala dhex dhigay laamaha amniga HirShabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Allaha u naxariistee wasiirkii beeraha iyo waraabka HirShabelle, Xildhibaan C/qaadir Abuukar Maxamed (Karaani) oo dhowaan lagu dilay Jowhar ayaa lagu soo warramayaa inuu dilkiisa shaki kala dhex-dhigay saraakiisha laamaha amniga ee maamulkaasi.

Wasiir Karaani ayaa la dilay hal todobad, kadib markii loo magacaabay xil-ka wasiirka beeraha iyo waraabka HirShabelle, taas oo keentay shakig jira.

Sidoo kale ciidamada amniga ayaa howl-gallo ka sameeyey magaaladaasi, kuwaas oo ku soo qab-qabtay tiro dad ah oo lagu tuhmayo dilkaasi oo ay baxsadeen ragii ka dambeeyey.

Wasiirka amniga dowlad goboleedka HirShabelle Maxamed C/raxmaan Khayre oo u warramay Voa ayaa sidoo kale  sheegay in dadka la soo xiray ay gaaraan illaa 5 ruux, kuwaas oo uu tilmaamay in haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa muddooyinkii la soo dhaafay faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo u badan dilal qorsheysan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this