Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo goob fagaare ah ku toogtay Rag ay ku tilmaameen basaasiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Al-shabaab, ayaa Gelinkii dambe ee Shalay, waxay  fagaare ku yaalla Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo ku dileen, afar nin oo ay ku tilmaameen basaasiin.

Maxkamadda Al-shabaab u qaabilsan Gobolka Gedo, ayaa sheegtay in Raggaas ay u shaqaynayeen Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dalal Shisheeye, inkastoo aysan soo bandhigin wax caddayn ah.

Aaden Xassan Maxamed iyo Cabdicasiis Xassan Cabdi, ayay Maxkamadda Al-shabaab ku eedaysay in ay u shaqaynayeen Sirdoonka Dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay u gudbin jireen xogaha Al-shabaabka.

Sidoo kale, Diini Cabdulqaadir Maxamed ayay ku eedaysay, in uu basaas u ahaa Dowladda Maraykanka, halka Ciise Cismaan Geelle ay ku eedaysay, in uu la shaqaynayay Sirdoonka Itoobiya.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo goob fagaare ah ku toogtay Rag ay ku tilmaameen basaasiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this