Deeq A. Posted August 23, 2020 Waxaa warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan dab xalay ka kacay kaalin Shidaal oo ku taalla deegaanka Bacaad weyne ee gobolka Mudug, waxaana ka dhashay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed. Waxaa inta la xaqiijiyey ku dhaawacmay 9 ruux, kuwaas oo gurmad ugu yimid doonayey in ay demiyaan dabka maadaama uu sii faafayey, waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay daminta dabkaas gurmad ka yimid Gaalkacyo . Dabka ayaa waxaa uu ka dhashay haanta lagu keydiyo Shidaalka oo qarax samaysay , waxaana ay sababtay burbur soo gaaray goobta Kaalinta , deegaanka ayaan leyn wax dab damis ah taas ayaa kordhisay khasaaraha dhashay. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites