Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland: Askari Dil Geystay oo Xukun Lagu Riday

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Maanta  dil ku xukuntay Dable, Faarax Cabdirashiid Cilmi oo horay ugu eedaysnaa in uu dilay marxuum, Cabdi Muxumed oo ahaa Qof shacab ah.

Maxkamadda ayaa sido kale Saddex Sano oo xabsi ciidan ah ku ridday eedaysane, Maxamed Rashiid oo isna katirsanaa Ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

Garsooraha Maxkamadda Ciidamada Daraawiishta Jubbaland, Bashiiir Maxamuud Xareed ayaa sheegay in eedeysanayasha ka tirsanaa Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee degaanka Cabdalla Biroole dambiga lagu soo eedeyay  ay galeen, islamarkaana Maxkamaddu ay ku xukuntay dil iyo  xabsi Ciidan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this