Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgal Lagu Soo Qabtay Khamri oo Laga Sameeyey Cabudwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Boliiska degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan degmada waxey ku soo qabteen maandooriyaha Khamriga iyo dadkii ka ganacsanayay.

Taliyaha Boliiska saldhiga degmada Caabudwaaq G/le Qalbi Axmed Cali oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidanku sidoo kale ay qabteen 7 kamid ah dadka ka ganacsada maandooriyaha Khamriga, lana gubay.

Taliyaha ayaa tilmaamay in maandooriyahaan laga soo geliyo dhanka Itoobiya oo gobolku xuduud dhulka ah lawadaago gobolka, wuxuuna bulshada iyo dadka keenaba uga digay isticmaalka iyo ka ganacsigiisa

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this