Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsatada Jaadka Kenya oo keenay Xeelad cusub oo ay Jaad kontarabaana ku gelin karaan Somalia markii Dawlada Somalia Shuruudo ad-adag ku xidhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ganacsatada Jaadka Kenya oo keenay Qorshe cusub oo ay Jaadka kontarabaana ku gelin karaan Somalia markii Dawlada Somalia Shuruudo ad-adag ku xidhay

 qaad.jpg

Ganacsatada Jaadka ee dalka Kenya ayaa xiligan wajahaya xaalad dhaqaalo xumo oo ka dhalatay xayiraada dowlada  Soomaaliya kusoo rogtay jaadkii laga keeni jiray Kenya.

Dowlada Soomaaliya ayaa joojisay in jaad la keeno gudaha Soomaaliya markii uu gudaha Soomaaliya soo gaadhay cudurka Caronavirus, tan iyo waqtigaana dowladu weli ma fasaxin in jaadka la keeno gudaha Soomaaliya.

Dadaalo ay ganacsatada jaadka ku doonayeen in jaadka Soomaaliya ay keenaan la fasaxo ayaa fashil kusoo dhamaaday, kadib markii dowlada Soomaaliya ay shuruudo adag ku xidhay in jaadka la fasaxo.

Ganacsatada jaadka Kenya ayaa ugu baaqay dowladooda in ay raadiso xal ay jaadkooda ku geyn karaan Soomaaliya, waxa ayna ugu baaqeen in ay la hadlaan Dowlada Soomaaliya si jaadkooda suuq uga helo Soomaaliya.

 

Waxa ay sidoo kale ganacsatada jaadka soo jeediyeen qorshe cusub oo jaadka ku galin karaan qeybo kamid ah Soomaaliya, waxa ayna ka codsadeen dowlada in ay u furto xadka si jaadka dhulka uga galiyaan Soomaaliya.

Ganacsatada ayaa sheegay hadii dowlada u furto xuduuda ay awoodaan in si maalin la ah gudaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Jubbaland ugu gudbiyaan 20-tan oo jaad si culeyska dhaqaale uga yaraado.

Gudoomiyaha urur ay ku mideysan yihiin Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa sheegay hadii loo loo tixgeliyo qorshahan cusub inay kasoo kaban lahaayeen dhibaatooyinka dhaqaale ee soo gaadhay inta lagu guda jiro xaaladda la dagaalanka Covid-19 iyo madmadowga Siyaasadeed ee ka dhex jira Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhowr mar hawada ka celisay diyaarado jaad kasoo qaaday dalka Kenya, waxaana xayiraada dowlada saartay jaadka ganacsatada jaadka Kenya gelisay xaalad dhaqaalo xumo oo aad u daran.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this