Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Duqa Muqdisho oo la kulmay bulashada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalda Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish” ayaa xalay kulan is-wareysi ah la qaatay dhallinyarada iyo maamulka magaalada Sama-reeb ee caasimadda Galmudug.

Qaar kamid ah dhallinyarada kulanka ka qeyb gashay oo dareenkooda ku muujiyay habab kala duwan oo gabayo ay ku jireen ayaa guddoomiyaha uga mahadceliyay sida uu uga aqbalay kulankooda waxeyna ku boggaadiyeen sii wadida horumarka caasimadda.

Guddoomiyaha degmada Sama-reeb mudane C/raxmaan Cali Maxamed ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ku amaanay dadaalka uu u galay in gobolka Banaadir Aqalka sare uu ku yeesho metelaad uu hadda tilmaamay in ay waxyar ka dhimantahay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed oo ka mahadceliyay kulanka ayaa dhallinyarada iyo maamulka magaalada Sama-reeb ku boggaadiyay sida ay uga shaqeeyeen amniga, wuxuuna ku dhiirrigeliyay in ay sii joogteeyaan amniga oo nolosha u ah udub dhexaad.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:

sama2.jpg sama3.jpg sama4.jpg sama5.jpg sama6.jpg sama7.jpg sama8.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this