Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland iyo Puntland oo ka soo horjeestay heshiiskii Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa si wadajir ah warsaxaafadeed uga soo saaray heshiiskii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Qoraalkan ayey Axme Madoobe iyo Siciid Deni gabi ahaan waxa ay ku qaadaceen qodobadii lagu saxiixay shirka Dhuusamareeb 3 oo labaduba ay ka maqnaayeen.

Go’aanka Puntland iyo Jubbaland waxa ay kusoo koobeen 4-qodob oo kala ah:

1-Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxa ay iyaga oo ixtiraamaya aragtida ka qaybgalayaasha, caddeynayaan in qodobada qoraalka kasoo baxay Shirka Dhuusamareeb 19-kii agoosto 2020 ee ku aadanaa soo jeedinta hannaanka doorashada dalka ay tahay aragti ku kooban madaxdii ka qaybgashay shirka oo ahaa Madaxweynaha JFS, Madaxweynaha Galmudug, Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed.

2-Dowladaha Jubbaland iyo Puntland waxa ay caddeynayaan in aysan qayb ka ahayn, laguna matalin shirka ka dhacay Dhuusamareeb.

3-Dowladaha Jubbaland iyo Puntland waxa ay markasta diyaar u yihiin dadaal kasta ee loo dhan yahay oo lagu gaari karo hirgelinta doorashada 2020/21, iyada oo noqota mid waqtigeeda ku dhacda, si isla ogol ahna looga heshiiyo hannaanka loo marayo qabsoomidda farsamo iyo maamul ee doorasho.

4-Dowladaha Jubbaland iyo Puntland waxa ay beesha Caalamka uga mahad celinayaan taageerada ay sida joogtada ah ula garabtaagan yihiin dadaalada geedi socodka iyo dib u dhiska hay’adaha Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah si loo helo xasilooni siyaasadeed, amni, Dowladnimo wanaagsan iyo horumar dhaqaale.

Halkan hoose ka akhriso:-

Image may contain: text

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this