Sign in to follow this  
Deeq A.

Taabid Cabdi oo soo dhoweeyey qodobada shirkii Dhuusamareeb 3

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahaana duqii Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed ayaa soo dhoweeyey qodobadii ka soo baxay shirka ay madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada qaar ku yesheen magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Qoraal uu Taabid soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa waxa ku sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan-geliyo heshiiskaasi oo muhiim u ah doorashada 2020/2021.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare inay turxaan-bixiyaan qodobada heshiiskaasi, si loo bilaabo dhaqan-galkiisa.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka.

Qodobbada Shirka Dhuusamareeb3 waxey u muuqdaan iney meesha ka saareen hubanti la’aantii doorashada, wacyiga in wax lagu qaatay iyo ugu dambeyn in tanaasul la muujiyay, waana boogaadineynaa.

Sidoo kale, waa tallaabo dhiirigalin mudan in meel dhexe la isugu yimid, shacabka Soomaaliyeedna tiro ka badan kuwii hore fursad u helaan ka qeyb qaadashada doorashada 2020/2021 iyada oo loo marayo nidaamka Xisbiyada badan.

Ugu dambeyn, waxaan ku baaqeynaa arrimaha soo socda in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameystiro si heshiiskan hirgelintiisu u bilowdo.

1. Tirada Aqalka Sare ee 2020/2021 in lagu caddeeyo nuqulka heshiiska inuu noqon doono 67 Senator inta aan la horgeyn Golayaasha, maadama matalaaadda 13 Senator ay Banaadir si sharci ah u yeelatay.

2. In Puntland iyo Jubbaland labadaba fursad loo siiyo wixii talo ah oo ay ku biirin lahaayeen heshiiska doorasho ee Dhuusamareeb3.

3. Maamulka Doorashada 2020/2021 hadii ay maamulayaan GMDQ waa arrin wanaagsan balse u baahan tallo-loo dhanyahay si aan loo siyaasadeyn go’aannada iyo qorshooyinkooda.

4. In heshiiska doorasho ay labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliyeed wadajir u turxaan bixiyaan, gaar ahaan meelaha u baahan kabidda una ansixiyaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this