Sign in to follow this  
Deeq A.

Ajaaniib Muddo dheer u afduubaan budhcad-badeed Soomaaliya oo la sii daayay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ajaaniib Muddo dheer u afduubaan budhcad-badeed Soomaaliya oo la sii daayay

 

budhcad.jpg

Saddex qof oo u dhalatay dalka Iiraan oo u afduubnaa burcad-badeed Soomaali ah tan iyo sanadkii 2015 ayaa la sii daayay, sida uu wakaaladda Reuters u sheegay la taliye sare oo dhanka dembiyada ka dhaca badaha ah.

Raggan ayaa ahaa shaqaalihii ugu dambeeyay ee saarnaa markabka kalluumeysiga FV Siraj ee Iiraan laga leeyahay eeafduubka loo haystay, kaas oo ay burcad-badeeddu qabsadeen 22-kii March, 2015.

Qofkii afaaraad ee shaqaalaha ka tirsanaa ayaa la sii daayay sanadkii hore, maaddaama uu u baahnaa daryeel caafimaad oo degdeg ah.

“Tani waxay soo afjareysaa muddadii burcad-badeedda Soomaaliya iyo xanuunka ay dareemaan dadka lagu afduubto Soomaaliya ee la iska illaabay,” ayuu yiri John Steed, oo xiriiriye ka ah hay`ad si gaar ah loo leeyahay oo caawisa dadka la afduubto, saldhiggeeduna yahay Nairobi, Kenya.

Steed, oo ah sarkaal sare oo ciidamada Britain ka tirsanaa, isla markaana sanado ku bixiyay dadaalka sii deynta dadka ay burcad-badeedda ku afduubtaan Soomaaliya, ayaa sheegay in raggan la sii daayay Sabtidii la soo dhaafay, haatanna ay ku sugan yihiin dalka Itoobiya oo ay ku sugayaan baaritaanka coronavirus kaddibna ay dalkooda u safri doonaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this