Deeq A. Posted August 21, 2020 Maxay tahay sida fudud ee ninkani ku taajiray? Gabriel Beltran Gabriel Beltran waxa uu ka soo haajiray Uruguay ka hor inta uusan iman Miami isagoo ku raja weyn inuu ka dhabeeyo riyadiisa. Shan sannadood ka hor, waxa uu la daalaa dhacay kirada guriga iyo noloshiisa caadiga ah, kaddib ayaa waxa uu lacag ka badan 20 milyan oo doolar ka sameeyay ganacsi yar oo dhanka Online-ka ah oo lagu magacaabo: dropshipping. Waxa u ganacigan kala waday isagoo ku sugan qolkiisa jiifka, Waxaana jira shakhiyaad kale oo sidaan si la mid ah maal-qabeen ku noqday. Ganacsatadan weligood ma aysan arag badeecadaha ay iibinayaan, wuxuuna suuqooda gaaraa boqolaal milyan oo qof. Badeecadaha Shiinaha Geedi socodka waa uu fudud yahay: dropshipper waxa uu la maacaamilaa suuqa online-ka ee Shiinaha kaddibna waxa uu bartilmaameedsanayaa alaabta raqiiska. Qofka iibinaya alaabtaasi waxaa uu sameynayaa website isagoo sheegaya in alaabtaasi lagu sameeyay Mareykanka iyo Yurub. Dropshipper waxa uu isticmaalaa baraha bulshada si alaabta loogu xayeesiyo. Marka dalab loo helo alaabta, qofka macaamiilka ah ayaa laga qaadayaa lacagta, ugu dambeyntina alaabta ayaa waxaa si toos ah looga soo qaadaya Shiinaha oo waxaa la gaarsiinayaa macaamiilkii soo dalbaday. Gabriel waxa uu bilaabay inuu iibiyo alaab been abuur ah waxa uuna muddo bil ah ka faa’iiday lacag dhan $50,000. Waxa uu sheegay in markaasi wixii ka dambeeyay uusan iibin alaab been abuur ah. Gabriel waxa uu YuoTube soo dhigay muuqaal lagu sharaxayo sida dropshipping loo isticmaalo. Alaabta been abuurka ah Dropshipping ma cusba balse sare u kicidda baraha bulshada ee dadka caanka ah ayaa horseedday in aad loo barto. Dadka ku shaqeysta ayaa markii hore isticmaali jiray iney agabkooda ku xayeesistaan eBay ama Facebook hase yeeshee dadkan caanka ah ayaa gacan ka geystay sare u kaca iibka alaabta. Sarah oo codsatay inaan la sheegin magaceeda oo dhameystiran oo ku shaqeysata dropshipping ayaa BBC Click u sheegtay iney alaabta meeshii ay ka shaqeyneysay lagu iibinayay cinwaanka Kourtney Kardashian ee Instagram oo ay ku taxan yihiin ku dhawaad 100 million oo qof. Waxaana lagu xayeesiyaa baalasha indhaha la gashto oo been abuur ah iyo alaabaha kale ee la isku qurxiyo kuwaasi oo qiimo ahaan gaaraya $203,000, oo doolar. Kourtney Kardashian ”Dadka waxay u maleeyaan in magacyada shirkadaha caalamiga ah ee la xayeesiyo sida alaabta lagu xayeesiyo Kourtney Kardashian iney sax yihiin balse waxaa la soo dhigaa alaab been abuur ah amaba gabi ahaanba aanan jirin. Magnetic SL waxaa soo gaartay cabasho dhanka Online-ka oo kun kor u dhaafeysa waxaana ka mid ahaa cabasho alaab aanan la helin. Trustpilot Kumanaan qof oo macaamiil soo jiidan kara ayaa ka qeyb ah xayeesimaha dropshipping oo waxay u badan yihiin ganacsato keli keli ah. Inuu qofka xayeesiyo alaabta dropshipping waxa uu u bahaan yahay inuu haysto boqol kun oo qof oo ku xiran cinwaankiisa waxa uuna qofka ka sameyn karaa lacag fiican. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites