Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo guullo ka sheegatay dagaal ka dhacay gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran Puntland ay maanta ka sameeyeen gobolka Bari.

Howl-galka oo uu ka dhashay dagaal foolka fool ah ayaa wuxuu si gaar ah uga dhacay dhulka buuraleyda ah ee gobolkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka sida gaarka ah u tababaran Puntland ee loo yaqaano PMPF Baari Salaad Axmed oo la hadlay mid ka mid ah warbaahinta ka howl-gasha deegaanada maamulkaasi ayaa sheegay in ciidamadu ay ka war-heleen weeraray  dagaalyahanada Al-Shabaab ku soo qaadi rabeen saldhigyada ciidanka Puntland, balse ay ka hortageen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dileen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen saraakiil, dagaalamayaal kale iyo maxaabiis.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamadu ay howl-galkaas sidoo kale ku soo furteen hub fara badan, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana  dhaq-dhaqaaqyo xoogan haatan laga dareemayaaa qeybo badan oo ka mid ah gobolka Bari ee maamulka Puntland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this