Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaflad lagu soo xirayo Shirka Dhuusamareeb 3 oo ka socota magaaladaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa haatan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ka socota xaflad lagu soo xirayo wejiga 3-aad ee shirka wadatashida dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Xafladda oo ah mid ballaaran ayaa waxaa ku sugan oo ka qeyb-galaya Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynayaasha maamullada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa madasha goob-joog ah xildhibaano, wasiiro iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda xiritaanka shirka Dhuusamareeb 3.

Shirkan oo ay ka maqnaayeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha xasaasi ah oo ugu horreyso doorashada 2020/2021, iyadoo lagu cadeeyey nooca ay noqoneyso, kadib war-murtiyeed ka soo baxay shirkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this