Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii dowladda Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib digniin culus oo ka soo baxday safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, islamarkaana loo diray Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa hadalka ka soo yeeray Mareykanka jawaab kulul ka bixisay dowlad goboleedkada Puntland.

La-taliyaha sare ee Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni, Nuuradiin Aadan Diiriye ayaa sheegay in Ereyada la midka ah qaswadayaal (Spoilers) aysan wax macne ah laheyn. (Maalaa-yacni), balse muhiim ay tahay in is afgarad laga gaaro doorashada.

”Xaqiiqdi waa waqtigii saaxibadeenna caalamiga ahi ay fahmi lahaayeen oo ay si buuxda ugu qanceen in marwalba ay ahayd Soomaali go’aan ka gaarey geeddi-socodkooda doorashada waqtiyadii la soo dhaafay sidaasna ay ku sii jiri doonaan mustaqbalka. Erayada ‘qaswadayaasha’ (Spoilers) wax macne ah malaha. (Maalaa-yacni).” ayuu yiri Nuuradiin.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dhinacyada ku shiraya Dhuusamareeb ay gaareen heshiis,kaas oo lagu cadeeyey nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso 2020/21.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this