Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo qas-wadayaal ku tilmaamay A/Madoobe iyo Deni

Recommended Posts

Deeq A.   

Mareykanka ayaa diginin u diray dhinacyada ka maqan shirka Dhuusmareeb 3, oo ka socda xarunta maamulka Galmudug, kaasi oo la doonayo in heshiis looga gaaro doorashooyinka Soomaaliya.

Safaaradda Mareykanka ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ku sheegtay inaysan waxba u qaban karin kuwa ka maqan wada-hadalka, oo macnaheedu yahay inay lumiyeen awooddii ay uga qeyb qaadan lahaayeen go’aanada lagu gaarayo Dhuusmareeb.

Safaaradda ayaa sidoo kale ereyga qas-wadayaal u adeegsatay dhinacyada ka maqan shirka.

“Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay ka shaqeysay in dhammaan aragtiyada lasoo saaro miiska shirka Dhuusarameeb 3, balse waxba uma qaban karto kuwa maqan. Qas-wadayaasha diidan ka qeyb-galka waxay damacyadooda shaqsiyadeed ka hormarinayaan dimqoraadiyadda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

 “Dhinacyada waxay u baahan yihiin inay ku dhaqaaqaan inay isku raacaan hab [doorasho] oo waqtigeeda ku dhacda.” ayaa lagu soo gaba-gabeeyey qoraalka Mareykanka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this