Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo qas-wadayaal ku qeexay dhinacyada ka maqan shirka Dhuusamareeb 3 una digay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa diginin u dirtay dhinacyada ka maqan shirka Dhuusmareeb 3, oo ka socda xarunta maamulka Galmudug, kaasi oo la doonayo in heshiis looga gaaro doorashooyinka Soomaaliya.

Safaaradda Mareykanka ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ku sheegtay inaysan waxba u qaban karin kuwa ka maqan wada-hadalka, oo macnaheedu yahay inay lumiyeen awooddii ay uga qeyb qaadan lahaayeen go’aanada lagu gaarayo Dhuusmareeb.

Safaaradda ayaa sidoo kale ereyga qas-wadayaal u adeegsatay dhinacyada ka maqan shirka.

“Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay ka shaqeysay in dhammaan aragtiyada lasoo saaro miiska shirka Dhuusarameeb 3, balse waxba uma qaban karto kuwa maqan. Qas-wadayaasha diidan ka qeyb-galka waxay damacyadooda shaqsiyadeed ka hormarinayaan dimqoraadiyadda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Dhinacyada waxay u baahan yihiin inay ku dhaqaaqaan inay isku raacaan hab [doorasho] oo waqtigeeda ku dhacda.”

@US2SOMALIA has worked for inclusion of all views at the table in #Dhusamareb3, but can’t help those absent. Spoilers withholding participation sacrifice democracy for own ambitions. Parties will need to move forward with timely model agreed.

— U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) August 20, 2020

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa ku gacan seeray ka-qeyb galka shirkaas, waxaana lagu guul-darreystay dadaallo ay wadday beesha caalamka oo loogu qancinayey inay tagaan miiska wada-hadalka, sida uu sheegay ergeyga QM ee Soomaaliya James Swan.

Swan oo maanta warbixin siiyey golaha ammaanka ayaa yiri “Waxaan ka xunnahay inay shirka muhiimka ah ee Dhuusamareeb ka maqan yihiin madaxweynayaasha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Islam Madoobe. Waa ahayd niyadjab inay diideen ka qeyb galka shirka, inkastoo codsiyo badan ay u direen hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo Beesha Caalamka.”

Ma cadda waxa dhici doona haddii Dhuusamareeb laga soo saaro go’aan doorasho oo aysan qeyb ka ahayn Puntland iyo Jubaland, hase yeeshee sida ka muuqata digniinta Mareykanka, waxaa suurta-gal ah in lagu dhaqaaqo dhaqan-gelintiisa, oo beesha caalamkana ay taageerto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this