Sign in to follow this  
Deeq A.

James Swan oo ka xumaaday maqnaanshaha Puntland iyo Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (PP) — Wakiilka Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya James Swan ayaa Golaha Ammaanka u sheegay inuu ku faraxsan yahay wadahadallada u socda Dowladda Federaalka iyo Maamul Federaaleedyada.

edd4276-1.jpg?resize=1000%2C579&ssl=1Swan: Waan ka xumahay in Puntland iyo Jubaland ka maqan yihiin shirka Dhuusamareeb III

Swan ayaa muujiyay sida uu uga xun ka soo qaybgal la’aanta Puntland iyo Jubaland shirka Dhuusamareeb III. Wuxuu kale oo uu sheegay in Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka xustay in bisha Agoosto ee 2021 noqon karto waqtiga ugu horreeya oo doorasho qof iyo cod Soomaaliya ay ka dhici karto.

Wuxuu ku tilmaamay hadalka Guddoomiyaha mid ku ah hoggaamiyeyaasha siyaasadda laba kala daran kala dooro waayo daastuurka ayaa dhigaya in doorasho dhacdo afartii sano mar.

Wuxuu kale oo uu xusay in weerrarada Al-shabaab kordheen.

© Puntland Post, 2020

The post James Swan oo ka xumaaday maqnaanshaha Puntland iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this