Deeq A. Posted August 20, 2020 Wararka laga helayo Degmada Bareeda, oo ka tirsan Gobolka Gardafuu ee Puntland, ayaa sheegaya in halkaasi saaka lagu qabtay Markab Xamuul ah oo shidaal u siday Magaalada Muqdisho, kadib markii laga shakiyay Markabka oo saacado ku wareegayay marsada Bareeda. Ciidamo ka tirsan Booliiska Puntland oo ku sugan Degmada Bareeda, oo watay doonyo yaryar ,ayaa lagu soo warramayaa in ay is-weer ka qabteen Markabka, oo cillad soo wajahday, kadib markii ay uga shakiyeen in uu Sun ku daadinayo Xeebta. Sidoo kale, Markabka oo doonyaha yaryar ee Ciidamada uga shakiyay Burcad-badeed, ayaa diray digniin la xiriirta in uu khatar ku suganyahay sida lagu soo warramay. Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Gardafuu ee Puntland, G/sare Shire Cabdi Ismaaciil, oo Puntland Post uga warramay dhacdadaas, ayaa sheegay in Markabka Ciidamadu qabteen markii dambe la aqoonsaday, islamarkaana haatan la fasaxayo. G/sare Shire Cabdi Ismaaciil, ayaa sheegay in Ciidamadu ay Ilaaladii Markabka ka qaadeen saddex qori oo nooca Shaam-shuutarka ah, kadibna sarkaal ka tirsan Booliiska uu la goostay Qoryihii, welina la raadinayo. Wuxuu intaas ku daray, in Markabku hadda u xayiranyahay Qoryaha lagala goostay, haddii la helo Qoryihiina uu toos u ambabixi doono. Hoos ka daawo Wareysiga Taliyaha PUNTLAND POST The post Maxaa ka jira in Markab lagu qafaashay Xeebaha Puntland? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites