Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Shacabka oo ka cabaya lacagta lagu bixiyo shahaadada Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Dadweynaha Puntland ayaa aad uga cabanaya Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo sida la sheegayo lacag saa’id ah saartay qiimaha Shahaadada caddaysa in qofka doofaya uusan qabin xanuunka COVID-19.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa lacag dhan $ 68 Dollar ka qaadda qofka doonaya in la siiyo Shahaadada Caafimaadka Xanuunka COVID-19 taasi oo culays dhaqaale ku keentay dadka dan yarta ah.

Sidoo kale waxa soo baxaya warar sheegaya in Wasaaraddu aysan hannaan Caddaalad ah ku salaysan qiimaha Shahaadada COVID-ka islamarkaana lacago kala duwan laga qaado dadka taasi oo ku xiran weji-garad.

Qiimaha Puntland ka qaaddo qofka la siinayo Shahaadada Caafimaadka ee COVID-19 waxaa la xaqiijiyay in aysan jirin meel Soomaaliya kamid ah oo qiimahaasi laga qaado dadweynaha loo samaynayo Shahaadada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dadweynaha samaysanaya Shahadadaas ka qaadda  $ 30 Dollar halka Somaliland ay ka qaaddo $12 Dollar oo keliya.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Shacabka oo ka cabaya lacagta lagu bixiyo shahaadada Covid-19 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this