Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee Puntland u adeegsatay yaaboohii Bangiga Adduunka?

Recommended Posts

Deeq A.   


Garoowe (PP) — Bishii Maajo ee sanadkan ayuu Bangiga Adduunku ugu yaboohay Soomaaliya lacag gaaraysa 137. 5 milyan oo doollar.

Lacagta, oo la soo mariyay Dowladda Federaalka, waxaa loogu talogalay lacago dadka lagu siinayo shaqooyin waqti kooban socanaya oo dowladdu abuurto (cash-for-work scheme ), xakamaynta ayaxa iyadoo la adeegsanayo diyaarado buufiya iyo kor kala socosho, dib u soo celinta iyo ilaalinta awoodda waxsoosaar ee beeralayda, iyo dhiirrigelinta fayadhowrka qoysaska iyo hababka daaweynta.

20200820_154936.jpg?resize=1000%2C473&ssMiyay dadka Puntland ka qatan yihiin yabooha Bangiga Adduunku siiyay Soomaaliya?

Maamulka Puntland wuu helay sadkii uu ku lahaa yabooha Bangiga Adduunku bixiyay hase ahaatee ma cadda in maamulku gudogalay fulinta mashruucyada Bangiga Adduunku u cayimay yabooha.

Barlamaanka Puntland muu ka doodin sida loo fulinayo mashruucyada fulintoodu suurtoobi karto marka lacagta Bangiga Adduunku bixiyay sida loogu talogalay loo adeegsado. Puntland waxay ka mid tahay meelaha uu Covid-19 saamaynta dhaqaale oo ba’an ku yeeshay.

“Mashruucu wuxuu xoojinayaa hoggaanka Dowladda Federaalka iyo Maamul Federaaleedyada si ay uga soo kabtaan ciriiriyo badan oo dalka ku habsaday” ayuu yiri Dr Cabdiraxmaan Bayle, Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya markii Bangiga Adduunku bixiyay yabooha.

Puntland waxay muddoba caan ku ahayd isla xisaabtan la’aan keentay in mashruucyo horumarineed lagala noqdo kaddib markii wax isdabarin iyo xisaabcelin la’aani saamaysay xiriirka Puntland iyo hay’adaha horumarinta.

Waxay u eg tahay in ilaa hadda aan shaqooyin loo abuurin dadka ay abaaraha iyo Covid-19 saameeyeen, sidoo kalena lama shaacinin wax caawimo ah oo la siiyay beeralayda Puntland, sida mashruuca Bangiga Adduunku farayo.

© Puntland Post, 2020

The post Sidee Puntland u adeegsatay yaaboohii Bangiga Adduunka? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this